top of page

Nolol maalmeed caadi ah oo leh diyaar-garow dheeraad ah

Dawladdu waxay dib u eegis ku sameysay istiraatiijiyadda mustaqbalka iyo qorshaha ka-hortagga ee la-dagaallanka cudurka faafa, waxayna ugu yeertay wejiga ka dambeeya marxaladda 4aad "Nolol maalmeedka caadi ah oo leh diyaar-garow sare".

 

Istaraatiijiyadda dowladda ayaa ah in ay la tacaasho cudurka faafa ee Covid-19 si loo xakameeyo faafitaanka caabuqa, si caabuqu u noqdo mid marwalba la maareyn karo oo aan ka badneyn awoodda adeegga hay´adaha caafimaadka .

 

Tallaabada 4aad kadib

- Kadib markaan dhameyno talaabada 4aad, waxaan ka dhaqaaqeynaa istiraatiijiyad xakamayn una dhaqaaqaynaa diyaar-garow dheeraad ah. Qiimeynta ugu horeysa ee suurtagalka ah ee ku saabsan in aan u gudbi karno wajiga aan ugu yeerno "nolol maalmeedka caadiga ah ee leh diyaar-garow sare" waa horraanta bisha Sebtember, ayay tiri ra'iisul wasaare Erna Solberg.

 

Wejiga "nolol maalmeedka caadiga ah ee diyaargarowga sare" waxaa lagu soo koobi karaa laba qodob:

 

  • Safmarku dadweynaha saameyn yar ayuu ku yeelan doonaa nolol maalmeelkooda. Weli waxaan u baahan nahay inaan xasuusnaano fayo-dhowrka gacanta iyo qufaca, Gurigaaga joog haddii aad xannuunsan tahay, iskana qaad tijaabo markii lagugula taliyo. Laakiin tallaabooyinka gaarka ah ee loogu talagalay covid-19 waa la joojiyay.

 

  • Isla mar ahaantaana, mas'uuliyiinta maxalliga ah iyo kuwa heer qaran waxay si dhow ula socon doonaan horumarka, si tallaabooyin dhaqso leh loo qaado haddii xaaladdu is beddesho. Dowlada, maamulada caafimaadka, isbitaalada iyo dowladaha hoose waxay kordhin doonaan la socoshada iyo u diyaar garowga.

 

Feejignaan Dheeraad ah

 

Barnaamijka talaalka ee Norwey wuxuu ku socdaa si xowli ah, in kabadan boqolkiiba 60 dadka da'doodu ka weyntahay 18 jir ayaa hada helay qiyaasta tallaalka ugu horeeya.

 

Dhacdooyinka deyrta / jiilaalka 2021

 

Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee Noorway iyo Agaasinka Caafimaadka ee Norway waxay diyaariyeen sadex xaaladood oo suurtagal ah xilliga dayrta / jiilaalka ee 2021. 3 marxaladood oo loogu diyaar-garoobayo la tacaalida safmarka.

Marxalada 1aad: Tallaalka lagula taliyay dadweynaha in lagu tallaalo ayaa saameyn wanaagsan oo waarta ku leh caabuqa iyo cudurrada. Waxaa jira taageero aad ufiican oo dhanka talaalka ah, waana la sii wadi doonaa.

 

Marxalada 2aad: Tallaalka dadweynaha ayaa si xawli ah ugu sii socon doona xagaaga oo dhan, ka dib dadaallada waaweyn ee degmooyinka.

 

Marxalada 3: Taageerada tallaalka ee dadka da'da yar aad ayuu uga hooseysaa marka loo eego dadka da´da weyn.

bottom of page