23.03.21

Siste oppdatering om smitteverntiltak i bergen

- på somali 

somali                                   

Halkan waxaad ka akhrisan kartaani waxyaabaha mamnuuca ah iyo amarrada ay xukuumadu soo rogtay.

 

Dawladdu waxay soo rogaysaasaa tallaabooyinkan:

  • In la xirayo goobaha khamriga.

 

  • Isboortiga gudaha iyo firfircoonida wakhtiga firaaqada waa mamnuuc marka laga reebo ciyaartooyda xirfadleyda ah.

 

  • Xarumaha jimicsiga waxaa loo furi karaa oo keliya dadka degmada deggan.  Waxaa iyagana loo ogol yahay dadka ka baxsan degmada  haddii ay ubaahan yihiin baxnaanin, tababar shaqsiyeed iyo daaweyn.

 

  • Hoolalka dabbaasha waa la xirayaa, laakiin waxaa laga yaabaa inay u furnaadaan carruurta  dabbaasha baranaya iyo dadka u baahan barkada arrimo caafimaad.

 

  • Jardiinooyin madadaalada, hoolalka bingo iyo goobaha madadaalada  way xiran yihiin.

 

  • Dadka waddanka dibediisa ku maqnaa waa inay ku qaataan muddada karantiilka oo dhan hudheelada karantiilka.

 

  • Munaasabadaha gudaha, 20 qof oo fadhi go,an leh ayaa loo oggol yahay.

 

  • Munaasabadaha bannaanka, 50 qof keliya ayaa loo oggol yahay.

 

  • Munaasabadaha isboortiga ee gudaha, 50 qof ayaa loo oggol yahay, dadka ka yar 20 sano ee isku koox ah hal degmana wada deggan.

 

  • Aaska waxaa loo oggol yahay 50 qof  marka la isticmaalo boosas rasmi ah oo loo qoondeeyay.

 

Talooyinka dawladda

 

Dowladu waxay jeedinaysaa talooyinka soosocda:

 

  • In laysu jirsado ugu yaraan laba mitir.

 

  • Ugu badnaan laba marti ah ayaa booqasho kuugu imaan karto.

 

  • Haddii aad ka timid aag uu sareeyo caabuqu, waa inaadan cidna gurigooda seexan gurigaagana aan lagula seexan. Dadka keligood deggan, carruurta iyo dhalinyarada da'doodu ka yar tahay 20 sano waxaa la baryi  kara hal saaxiib ama saaxiib oo dhaw.

 

  • Xiro af-xir meel aha oo aysan suurtagal ahayn in la kala fogaado laba mitir ah.

 

  • Dadka waxaa lagula talinayaa inay ka adeegtaan sentarada iyo dukaamada waaweyn ee ku yaal degmada ay deggan yihiin.

 

  • Waxaa lagu talinayaa inaad dib u dhigto safarada aan loo baahnayn, marka laga reebo safarada shaqada marka aysan suurta gal ahayn inaad guriga ka shaqayso, ardayda aadaya qoysaskooda , iyo u safridda guryaha dalxiiska / guryaha fasaxa ee qoyskaaga.

 

  • Dhammaan munaasabadaha la qorsheeyay waxaa lagu talinayaa in la baajiyo.