top of page

Macluumaad ku saabsan tallaalka

13.mars 2021

Qoraalkan gaaban waxaan ka soo turjunnay, muuqaal gaaban oo Laanta Caafimaadka Adduunku ku baahisay facebook-ga. Muqaalka oo af-ingiriis ku baxay, ayaa ujeedada laga lahaa ahayd in dadka lagu wacyi-geliyo, laguna baro tallaalku guud ahaan wuxuu yahay. Qoraalka sida ka muuqata waa qoraal aad loo fududeeyey, si dadka oo dhami u fahmaan. Waxaan sidaas daraadeed u aragnay inay mudan tahay in af-oomaali lagu turjumo si dadka soomaalida ahi ugu faa,iidaystaan

Tallaaladu - Sida ay u Shaqeeyaan.

Tallaalka waxaa laga sameeyaa qurub yar oo cudur-dhaliye (Pathogen) oo aan khatar kuu keenayn. Jeermiska cudurka keena iyo qurubka yar waxaa loo yaqaan lid jidh-dhaliye (antigen).

In lagu tallaalo cudur kuuma keenayso, balse waxay jidhkaaga ku dhalinaysaa jawaabcelin kabbaxeed (immune response) waxayna baraysaa jidhkaaga inuu dhisto nooca saxda ah ee lid jidh-gale (antibody) si uu mustaqbalka kaaga ilaaliyo cudurka. Sidaas ayuu jidhkaagu mustaqbalka, haddii ama marka uu la kulmo cudur-dhaliyaha dhabta ah, wuxuu hore u bartay sida loo ogaado loolana dagaallamo cudur-dhaliyaha ka hor inta uusan cudur kuu keenin.

 

Xigasho:

Laanta Caafimaadka Aduunka

vaksine bilde.jpeg
bottom of page