top of page

Booliska Caabuqa Karoonaha

13.februar 2021

Dowlada dhexe ayaa degmada Bergen ka codsatay inay dabagal ku sammeeyaan dadka.

​

Laga yaabo inay jebiyaan awaamiirta karantiilka iyo tallaabooyinka lagu xakamaynayo faafidda caabuqa karoonaha

Iyadoo taas laga anbaqaadayo ayaa degmadu shaqaaleysiisay dad u xilsaaran hawshaas. Waxaa dib loo hawlgeliyay boolis hawl-gab ah oo shaqada horay uga fadhiistay.

​

Inkasta oo dadka hawshaan qabanaya ay yihiin boolis hawl-gab ah, haddana ma qabanayaan hawlihii booliska, laakiin waxay la soconayaan in karantiilka iyo awaamiirtii kale dhaqan galeen iyo in kale.

​

Wixii u baahan faro-gelin booliis waxay u gudbinayaan hay ‘adaha ku shaqada leh sida booliska oo iyagu u xilsaaran arrintaas. Waxay wacayaan qaar kamida telefoonada dadka karantiilka ku jira si ay u xaqiijiyaan inay amarkii u hogaansameen iyo in kale. Ugu danbeyn waxaa hoosta laga xariiqayaa in awaamiirta oo loo hogaansami waayo sababi karto dacwad iyo ganaax.

​

Faahin dheeraad ah ka aqri: https://www.bt.no/.../skjerpar-jakta-paa-karantenebrot...

bottom of page