top of page

Xakameynta caabuqa ee bisha Ramadan - på Somali.

10.april 2021

Maamulka caafimaadku wuxuu rabaa in Ramadaan bedqaba ah oo wanaagsan ay helaan Muslimiinta oo dhan. Nasiib darrose uma gudan karno sannadkan Ramadaanka si la mid ah sidii caadiga ahayd.

Waa kuwan talooyinka ugu muhiimsan ee xakameynta Caabuqa ee khuseeya Ramadaanka:

KULAMADA BULSHADA

Sida la ogyahay Kulamada bulshada waxay kordhiyaan halista faafitaanka cudurka. Waxaa ina saaran inaan xadidno tirada isu imaatinka

Tallaabooyinkii qaran ee la soo saaray ka hor booskaha way jiraan illaa 14 Abriil. Sidaa daraadeed mar walba waa in loo hoggaansamaa tirada martida iyo isu imaatinka ee xukuumadu goysay. Waxaa kale oo muhiim ah in la ogaado maadaama Ramadanku soconayo mudo bil ah in tallaabooyinku isbedeli karaam, hadba wixii ka soo kordha waa idinla socod siin doonaa, haddii Eebe idmo.

KULLANKA MASAAJIDKA

Isugu imaatinka masaajidka waxaa loo arkaa inay yihiin munaasabad sidaas darteedna lama ogolla in la isugu yimaado inta ay jiraan tallaabooyinka adag ee qaran ee maanta jira.

SAFARADDA

Dawladdu waxay ku talineysaa in laga fogaado safarka. Tani waxay sidoo kale khuseysaa Ramadaanka. Wixii faahfaahin ee dheeraada waxaad ka heli kartaan https://www.regjeringen.no/.../oversikt-over.../id2826828/

TALLAALKA

Wixii talo ah ee ku saabsan tallaalka ka hortagga covid-19 inta lagu jiro soonka, eeg: Råd om vaksinasjon mot covid-19 https://www.irn.no/2021/03/24/vaksinering-mot-covid-19/

Waxaad sidoo kale socon kartaa fiidowyada Tusmo ee looga hadlayey tallaalka iyo soonka.

171778266_2210517602411571_5864028695918813017_n.jpeg
Kontakt oss

Tlf: 91592940

Epost: info@tusmo.org

Sted:  Bergen, Norway

Organisasjons Nummer : 920247873

  • Hvit Facebook Ikon
  • Hvit Twitter Ikon
  • Hvit YouTube Ikon
  • Hvit Instagram Ikon
TUSMO.png

© 2023 by Tusmo

bottom of page