Warbixin muhim ah oo ku saabsan barnaamijka tallaalka Caabuqa koronaha
13.mai 2022
9 ka mid ah 10kii qof ee qaangaar ah ee Norway ku nool ayaa hadda la siiyey 2 tallaal oo tallaalka caabuqa ah. Deeqda tallaalku waa bilaash waana ikhtiyaari. Macluumaadkani wuxuu ka soo baxay Machadka Qaranka ee Caafimaadka Dadweynaha kuna socdaa ururada siiya macluumaadka caabuqa Koronaha dadka soogalootiga ah.
Xaalada Faafida Caabuqa korona iyo macluumaadka laga helayo FHI
Kororka caabuqa ee Noorway wuxuu la mid yahay waddamada kale ee Waqooyiga Yurub, waddamada badankooduna way joojiyeen xannibaadaha. Machadka Qaranka ee Caafimaadka Dadweynaha wuxuu qabaa inay jiri doonto mowjad cusub oo ah caabuqa korona dayrtan. Halkan ka Akhri warbixin dheeraad ah: Oppdatert risikovurdering for Covid-19-epidemien og influensaepidemien i Norge (FHI, 29.04.2022).
Deeqda tallaalka Caabuqa koronaha mustaqbalka
Degmooyinku waxay sii wadi doonaan bixinta tallaalka caabuqa korona ee joogtada ah. Dadka aan qaadan tallaalka caabuqa, laakiin raba in la tallaalo, waxay la xiriiri karaan degmada ay ku nool yihiin, Dhakhtarkaagu wuxuu kaloo ka jawaabi karaa su'aalaha la xiriira caabuqa. Deeqda tallaalka caabuqa ee bilaashka ah waxay sidoo kale khuseysaa dadka ku cusub dalka, waxaana laga yaabaa inay u baahdaan macluumaad dheeri ah iyo dabagal si ay awood ugu yeeshaan inay ka faa'iideystaan deeqda tallaal.
Wararka:
Dadka da'doodu tahay 80 sano iyo ka weyn waxay heli karaan tallaal 2aad oo cusboonaysiin ah haddii ay rabaan
Dadka da'doodu tahay 80 sano iyo wixii ka weyn ee qaatay 3 tallaal oo aanu ku dhicin caabuqa koronaha markaa kadib, waxay heli karaan tallaal cusub oo cusboonaysiin ah (tallaal 4) haddii ay rabaan. Tallaalka waxaa la siinayaa 4 bilood ka dib tallaalkii ugu dambayey (tallaal 3).
Halkan ka akhri warbixin dheeraad ah: https://www.fhi.no/nyheter/2022/oppfriskningsdose-med-koronavaksine/
Goorma ayaad iska baaraysaa caabuqa korona, goorma ayeyse tahay inaad gurigaga joogto?
Waxaa lagu talinaya inaad gurigaaga joogto markaad jirran tahay. Si loo yareeyo khatarta in dadka kale la qaadsiiyo, waa in aad ilaalisaa nadaafada gacmaha iyo qufaca. Sidoo kale waa inaad si gaar ah u taxaddartaa oo aad ka fogaataa xidhiidhka dadka u nugul cudurrada korona:
-
Ka fogow xidhiidhka dadka khatarta ugu jira inay si xun ugu bukoodaan caabuqyada neef-mareenka haddii aad leedahay astaamo neef-mareen oo cusub.
-
Qoysaska haysta abaydinka iyo dhallaanka, booqashada dadka waaweyn iyo carruurta lagu arkay calaamadaha neef-mareenka waa in la xaddidaa ama laga fogaadaa.
Dadka lagulama talinayo hadda in laga baaro cudurka 'coronavirus', laakiin qofkii doonaya waxaa laga baari karaa calaamadaha neef-mareenka ee cusub. Qofku inuu isagu iska qaado tijaabo wuu heli karaa oo qaar badan oo xarumaha tijaabada aya sii furnaan doona.
Haddii aad jirran tahay la tashato takhtar, takhtarkaagu wuxuu qiimayn doonaa baaritaannada dheeraadka ah ee la sameynayo. Shuruudaha karantiilka ama go'doominta looma baahna haddii tijaabadu muujiso inaad caabuqa qabtid.
Halkan ka akhri warbixin dheeraad ah:
https://www.fhi.no/nettpub/coronavirus/testing/om-koronatest/
https://www.fhi.no/nettpub/coronavirus/befolkningen/nye_luftveissymptomer_og_testing/