top of page

Oppdateringsdato: 03.01.2021

Kuwani waa xeerarka coronaha ee hadda jira

Immisa saaxiib ayaa I soo booqan kara? Goorma ayey tahay inaan xirto af-xirka? Tallaabooyinkee ayaa igu habboon? Halkan ka akhri muuqaalka guud.


 

Tallaabooyinka cusub ee ay dowladdu qaaday waxay siinaysaa dadka norwiijiga ah bilow adag oo ku aaddan sannadka 2021-ka oo ay ku yar tahay xiriirka bulshada. Tallaabooyinka qaran ee maanta ayaa lagu dhawaaqay illaa iyo nuska hore ee Janaayo. In kasta oo tallaalka kooxaha la xushay uu bilaabmay Kirismaskii, haddana weli waa muhiim in la raaco xeerarka xakameynta cudurka. Waxaan ururinay taladii, mamnuucyadii iyo amarradii ugu muhiimsanaa ee hadda dalka ka jira.

Kuwee ayaan raacaa tallaabooyinka maxalliga ah mise kuwa qaran?

Dowladda iyo degmada labaduba waxay soo saareen tallaabooyin lagu yareynayo faafitaanka cudurka coronavirus. Tallaabooyinka dowladdu qaadday waa kuwo heer qaran ah waxayna khuseeyaan qof walba. Intaas waxaa sii dheer, degmooyinka leh caabuq heer sare ah waxay soo bandhigayaan tallaabooyin u gaar ah, oo xitaa ka adag kuwa qaranka

 

Marka waa inaad raacdaa talaabooyinka qaran, iyo waliba kuwa maxaliga ah ee ka jira degmadaada. Tallaabooyinku waxay isugu jiraan talooyin, mamnuuc ama amarro.

 

Halkan waxaa ku yaal degmooyin la xushay oo leh golayaasha deegaanka ee cadaadiska caabuqa sare leh:

  • Trondheim

  • Stjørdal

  • Hamarøy

  • Stavanger

  • Sandnes

  • Oslo

Xiriirka bulshada, kulamada gaarka ah iyo munaasabadaha

Talo bixin: Iska ilaali martida guriga kuugu imaanaysa, oo sug 14 maalmood booqashooyinka gaarka ah. Waxaa jira waxyaabo laga soo reebay oo loogu talagalay adeegyada guriga ee lagama maarmaanka ah iyo booqashooyinka dadka da´da ah. Carruurta waxay booqan karaan asxaab ay isku koox yihiin iskuulka ama xanaanada, dadka kaligood nool waxay lahaan karaan qoys joogto ah ama reer ay booqdaan.


Talo bixin: Dhammaan firfircoonida xilliga firaaqada ee abaabulan, isboortiga, munaasabadaha dhaqanka iyo isu imaatinnada falsafada ee gudaha waxaa lagula talinayaa in dib loo dhigo illaa 18 Janaayo kadib. Taladu waxay kaloo khuseeysaa dhamaan kulamada gudaha ka dhaca ee la isugu keeno carruurta iyo dhalinyarada ee kala fasalka ama kooxda ah.

Xeer: Ugu badnaan shan qof ayaa isugu imaan kara shirarka gaarka loo leeyahay ee ka baxsan guryaha, sida xafladda dhalashada ee goob loo kiraysto. Qoysaska ka badan shan qof, dhammaantood waxay ku kulmi karaan dhalashada goob ay kiraysteen.

 

Xeer: Ugu badnaan toban qof ayaa ku kulmi kara munaasabadaha isboortiga ee gudaha, munaasabadaha dhaqanka, aqoon isweydaarsiyada, shirarka falsafada iyo xafladaha. 200 qof ayaa isu iman kara marka qof walba oo ka mid ah dhagaystayaasha uu fadhiyo kuraas go'an. Dawladdu wali waxay ku talineysaa in dib loo dhigo dhammaan munaasaba´daha noocan oo kale ah maxaa yeelay ma waafaqsana talooyinka kor ku xusan. Aaska, waxaa isu iman kara ilaa 50 qof, xitaa haddii ayna kuraasi jirin.

​

Goobaha cawayska

Xeer: Waxaa jira joojin khamri shubid qaran oo khusaysa dhammaan goobaha laga cabo iyo munaasabadahaba ee Norway.

Dukaamada

Talo bixin: Goobaha laga dukaameysto iyo dukaamada waa inay lahaadaan kontorool gelitaan oo ay hubiyaan inaysan dad badani ku dhex jirin dukaanka. Waa inayna dad badani ku jirin dukaanka, taas oo  adkaynaysa kala fogaanshaha 1 mitir.

Shopping Mall Rulletrapper

Karantiil iyo safar

Miljøovervåking

Talo bixin:

Ka fogow safarada aan loo baahnayn ee gudaha iyo dibeddaba ah. Fasaxa cariishka dalxiiska (Hytte) dadka isku guri ka soo jeeda waa la ogol yahay.

 

Xeer: Socotada kaga imanaya Norway dibedda waxay karantiili ka baxayaan ugu horrayn maalinta toddobaad haddii aan laga helin covid-19 laba jeer marka uu yimaado kadib. Tijaabada ugu horeysa waa in lagu qaadaa mudo sadex maalmood gudahood ah marka qofku yimaado, kan labaadna ugu horrayn todobo maalmood imaanshaha ka dib Haddii aysan degmadu lahayn awoodda tijaabada labaad, waa in la karantiilaa 10 maalmood.

 

Xeer: Dhammaan dadka safarka ku imanaya Norway waxay ku qasban yihiin inay isku baaraan hal maalin gudaheedd markay yimaadaan. Intaas waxaa sii dheer, waa in baaritaanku  muujiyaa negative kahor gelitaanka waddanka waana in ay isticmaalaan foomka gelitaanka.

 

Xeer: Waa inaad is baartaa haddii aad ka soo safreyso Boqortooyada Ingiriiska.

Iskuul onlinka lagu dhiganayo  ah iyo xafiiska guriga

Talo bixin:

Dhammaan waxbarida iyo munaasabadaha la qorsheeyey ee jaamacadaha, kulliyadaha iyo kulliyadaha xirfadeed waa inay ahaadaan kuwo online ah illaa 18 Janaayo. Dugsiyada sare ee dadweynaha iyo iskuulada Baybalka waa inay raacaan talada maamulka caafimaadka ee deegaanka. Jaamacadaha iyo kulliyadaha dalka oo dhan ayaa raacay talooyinka, laakiin waxay doorteen inay sii furnaadaan guryaha ardayda.

 

Talo bixin: Qof kasta oo yeelan kara xafiis guri waa inuu ku shaqeeyaa xafiis guri. Dawladdu waxay kula talinaysaa dawladaha hoose ee caabuqoodu sarreeyo inay soo bandhigaan shuruudaha looga baahan yahay xafiiska guryaha ee goobaha shaqada.

Af-xirasho

På den bærbare datamaskinen hennes

Talo bixin:

Ma jiro talo bixin qaran, laakiin dawladdu waxay kula talinaysaa dawladaha hoose ee leh caabuq sare inay ka fiirsadaan af-xir qasabka ah oo goobaha dadweynaha la dhigo ee aan suurtagal ahayn in hal mitir la kala fogaado.

Isboortiga, xarunta jirdhiska iyo hoolalka khamaarka (bingo)

Intens trening

Talo bixin:

Firfircoonida bannaanka, sida tababarka kubbadda cagta, waa la qaban karaa haddii ay suurtagal tahay in laysu jirsado ugu yaraan  hal mitir. Laakiin dhammaan firfircoonida abaabulan, oo ay ku jiraan kuwa banaanka lagu ciyaaro, waa in dib loo dhigaa illaa 18 Janaayo kadib. Ciyaaraha seeri A-da  waxay leeyihiin waxyaabo u gaara, talooyinkana ma saameynayaan.

 

Talo bixin:

Ma jiraan talo bixin qaran oo ku saabsan in la xiro goobaha jimicsiga, bingo iyo barkadaha lagu dabaasho, laakiin dowladda ayaa kula talinaysa degmooyinku ay ku dhacaan cadaadis badan oo caabuq ah inay sidaas sameeyaan. Oslo waxay tusaale u tahay degmadu in ay xirto goobaha jimicsiga ilaa 7 Janaayo.

Heerka cas ee iskuulada

Bishii Maajo, Machadka Qaranka ee Caafimaadka Dadweynaha wuxuu u sameeyay qaab iftiin taraafiko leh heerar cagaaran, jaalle iyo casaan ah oo loogu talagalay xannaanooyinka iyo dugsiyada. Kuwani waxay muujinayaan talaabooyinka xakameynta caabuqa la raacayo. Maanta, dhammaan dugsiyada sare ee dalka waxaa lagula talinayaa inay u gudbaan heerka casaanka.

 

Heerka Cagaaran: Xanaanada iyo iskuulka waxaa loo abaabulaa sidii caadiga ahayd.

 

Heerka jaallaha: Dhammaan waaxaha  iyo fasallada iskuulka waxaa loo habaynayaa nidaam koox-koox. Dhammaan fasalada dugsiga iyo waaxaha waa la isu keeni karaa. Dugsiyada iyo xanaanooyinka waa inay lahaadaan tallaabooyin lagu yareynayo xiriirka iyo fogaanta.

 

Heerka cas: Ardayda iyo carruurta waa in loo qaybiyaa kooxo yaryar. Markaa waxaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto in la xaddido ka-qaybgalka xannaanooyinka, dugsiyada iyo SFOyada.  Ficil ahaan, tani macnaheedu waa kooxo yar oo arday ah, iskuulada qaarkoodna waxaa laga yaabaa inay timaado baahi waxbarid online  ah. Xannaanada iyo dugsiyadu waa inay qiimeeyaan saacadaha xaadiritaanka kala duwan ee ardayda iyo inay hubiyaan in xeerarka kala fogaanta la ilaaliyay.

 


Dhammaan xeerarka sida karantiil, dalxiis iyo xeerarka shaqaalaha caafimaadka waxaa lagu soo ururiyey xeerarka caabuqa-19, oo la cusbooneysiinayo

Oversatt av Tusmo Association

bottom of page